Wednesday, March 21, 2018

Gabaygii cadaadiska

Gabaygii cadaadiska
Axmadow hadii gabay dhigoo maanso waa huray e
Hiyigayga kuma jirin in aan dib u habeeyaaye
Hayeeshee adaa iga hal dhigay heelka maansada e
Hadaad adigu heemaal abwaan hibbo isiineyso
Haybadayda aan daafacaan horay u yeelaaye
Huqda gabayga deelkaa hakiran waaka haajirey e
Inaan hadalka qeexaan jeclaa hariyo ayaan e
Aan hawaysto maansada tixuhu waa halkaan rabey e
Sheikh osmaan halkuu igaga yaal waa hab ii qoran e
Siyaad horu markii uu qabtoo hilinka qaad siiyey
Oo uu hagaajoo wax qabad heelka bari siiyey
Qardho haybadeed waa intey horay u guurtaaye
Waa, intey hanaan toosanley hilinka qaadaa e
Hoh iney dhehdaa qaladka waaa la hubsanaayaaye
Afartaas hordhaca maan sadiyo haba habayntii dheh
Hanbilaasha lama dhaarsadee ha, iyo haayaan dheh
Maansada in aan hab u aqaan hogo tuskaygii dheh
Onkod iyo hillaac jalowleh iyo halac ku leefaa dheh
Afarkalena haaraan bulshiyo hor u kac maansaad dheh
Macalimiin hufnaan iyo aqoon hibo illaah siiyey
Oo kaa haraad tira cilmiga waa laguu huray e
Afar aan habkoodiyo ka helay horu kac luuqdooda
Burhaan baw horeeyoo isagu waa halyey jira e
Dhaaxuu higaadiyo xarfaha horay u raacaaye
Dhaaxuu  illaahay u huray darar hillaacaaya
Historiga haduu kuu dhigoo ereyo kuu heego
Oo uu balaaqada habkaa horu dhac kuu sheego
Hoh in aadan oran waa hubaa hagarna diideyso
Hayloo ku xiga waa in aan halal iraah daaye
Qof in aad hah dhehdo boogta waa layska hubiyaaye
Noodooji sida hogosha roob ama hillaac  xayska
Hor u socod hanaan iyo wax qabad waa lagu hubaaye
Hagardaamo lama aan jecli iyo inuu halaagaaye
In kastuu hal yey badan yahoo heelkastaba joogo
Iniguna intaasan hayoo waaka hayb baxay e
Adigaa u haray maansadii hibadu saarnayd e
Ku hagoogo gabaygaygu waa horu kac luuqeed e

5 comments: